Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Dimishiq, halkaas oo uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, booqashadan ayaana noqotay tii ugu horreysay ee hoggaamiye ka socda Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad sannadkii 2024.
Macron waxaa garoonka diyaaradaha ee Dimishiq ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibani, ayadoo Labada dhinac la filayo inay ka wada-hadlaan xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo fursadaha maalgashi ee dib u dhiska Suuriya.
Booqashadan ayaa ka horreysa shir-madaxeedka NATO ee ka dhacaya Ankara, Turkiga, halkaas oo Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa la filayo inuu kulan muhiim ah la yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.




From the comments