Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Balcad ayaa ka jawaabay eedeymo ay soo jeediyeen Siyaasiyiin oo ku saabsanaa xayiraadaha fiisooyinka ee Midowga Yurub uu kusoo rogay Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in xayiraadaha dhinaca fiisooyinka ee ay dhawaan soo rogeen Soomaaliya dalalka Midowga Yurub aysan wax xiriir ah la lahayn nidaamka eVisa ee Soomaaliya, isla markaana aan loo fasiran karin qiimeyn ku saabsan habka ay u shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in sharaxaadda Midowga Yurub ay si cad u muujineyso in tallaabadan ay la xiriirto arrimaha socdaalka iyo dib-u-celinta muhaajiriinta aan sharciga ku joogin dalalka Yurub, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo wada shaqeynta dhinaca dib-u-celinta dadkaasi.




From the comments