Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magacaabay Golihiisa cusub ee wasiirrada oo ka kooban wasiirro, ku xegeenno, iyo wasiir dowleyaal.
Golahan ayaa ka kooban 26 wasiir, 26 wasiir ku xegeen, iyo 3 wasiir dowle, ayadoo Wasaaradaha loo magacaabay xubnahan ay ka mid yihiin Amniga Gudaha, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Beeraha, Caafimaadka, Waxbarashada, Garsoorka, Dekedaha, Hawlaha Guud, Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Dastuurka, Qorsheynta, iyo wasaarado kale oo muhiim u ah horumarinta maamulka.
Hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa faray golahan cusub inay si hufan uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada, amniga, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha, iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magacaabista xubnaha golaha Wasiirrada ayaa u baahan in golaha wakiillada maamulkaasi ay ansixiyaan, ayadoo la filayo in dhowaan la horgeeyo si ay u meelmariyaan.