U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeymo Ku Dilay 26 Xubnood oo Al-Shabaab ah

Luuliyo 12, 2026

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen duqeymo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ee ku yaalla deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalkaasi waxaa lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo doonyo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay dhaqdhaqaaqyadeeda iyo fulinta falalka argagixisanimo.

Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda loogana hortago weerarro ay qorsheynayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.