Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay inay gantaallo ballistic ah ku weerareen saldhigga cirka ee Amiir Xasan (Prince Hassan Air Base) ee dalka Urdun, kaas oo ay ku tilmaantay saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykankau.
Bayaan ka soo baxay dhinaca Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarka lagu burburiyay xarunta taliska iyo xakamaynta ee saldhigga, sidoo kalena la beegsaday hangarrada ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca MQ-9.
Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in howlgalka lagu fuliyay dhowr gantaal oo ballistic ah, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka mid ah weerarrada lagu qaaday goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee gobolka.




From the comments