Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ka digtay in ku dhowaad 500,000 oo rayid ah oo ku nool magaalada El-Obeid ay halis weyn ku jiraan, xilli gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan ay dagaallo culus weli ka socdaan.
Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in dagaallada sii xoogeysanaya ay ku qasbayaan carruur iyo qoysas badan inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo raadinaya goobo ay gabaad ka helaan, xilli ay sii xumaanayso xaaladda bani’aadantinimo ee magaalada.
Hay’addu waxay ka digtay in carruurtu ay si gaar ah ugu jiraan khatar ah in la dilo, la dhaawaco ama lagu khasbo barakac.




From the comments