Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii ugu dambeeyay ee Iiraan ay ku qaaday dhulkeeda iyo dalal kale oo gobolka ka tirsan, iyadoo ku tilmaantay xadgudub halis ku ah madax-bannaanida dalalka iyo amniga gobolka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu sheegay in sii socoshada weerarradan ay ka dhigan tahay khatar weyn oo sii adkeyn karta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Bariga Dhexe.
Dowladda Qatar waxay sheegtay in weerarradan ay sii fogeynayaan rajada laga qabo xal nabadeed oo lagu xalliyo colaadda taagan.




From the comments