Goobjoog

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Gaaray Gaalkacyo iyadoo Galmudug isu diyaarinayso Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wafdiga waxaa safarka ku wehliya musharraxa Madaxweynaha Galmudug,…

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Gaaray Gaalkacyo iyadoo Galmudug isu diyaarinayso Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga waxaa safarka ku wehliya musharraxa Madaxweynaha Galmudug, Liibaam Axmed Xasan, iyo wasiirro kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Xisbiga JSP.

Booqashada wafdiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Galmudug ay ku jirto diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada maamulka Galmudug, kuwaas oo la qorsheeyay inay qabsoomaan 30-ka Luulyo.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug si rasmi ah ugama aysan hadlin ujeeddada safarka wafdigan, hase yeeshee imaanshahooda ayaa kusoo aadaya xilli uu sare u kacay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan deegaannada maamulka Galmudug.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments