Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ka digtay in kooxda Xuutiyiintu ay doonayso inay ku dayato istaraatiijiyadda Iiraan ee marin-biyoodka Hormuz, iyagoo isku dayaya inay gacanta ku dhigaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb, oo isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Yemen, Afrah al-Zouba, oo warbaahinta kula hadashay safaaradda Yemen ee magaalada Riyadh, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan inay xakameeyaan isu socodka maraakiibta caalamiga ah, taasoo halis gelin karta laba ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ganacsiga adduunka.
Al-Zouba ayaa sheegtay in jawaabta caalamka ee uu ku tilmaamay mid aan ku filnayn ay dhiirrigelisay Xuutiyiinta, kuwaas oo uu sheegay inay sii kordhiyeen weerarrada ay ku beegsanayaan maraakiibta iyo dalalka gobolka.
Marin-biyoodka Bab al-Mandeb ayaa ah marin istaraatiiji ah oo ay maraan boqolkiiba 30 gaadiidka konteenarrada caalamka iyo inta u dhexeysa 12 ilaa 15 boqolkiiba guud ahaan ganacsiga adduunka.
Dowladda Yemen ayaa ka digtay in haddii marin-biyoodkan la carqaladeeyo ay saameyn weyn ku yeelan karto dhaqaalaha caalamka iyo isu socodka badeecadaha.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii Xuutiyiintu bishan ku dhawaaqeen go’doomin dhinaca badda ah oo ka dhan ah maraakiibta la xiriira Sacuudiga, iyagoo sidoo kale qaaday weerarro loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Dowladda Sacuudiga ayaa dhankeeda ku jawaabtay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday magaalada dekedda leh ee Xudeyda, oo ay maamulaan Xuutiyiintu.
Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay diyaar u tahay haddii dagaalku sii ballaarto, iyadoo xustay in dagaallo goos-goos ah ay weli ka socdaan jiidaha hore ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Xuutiyiinta, inkastoo aan weli la bilaabin guluf militari oo ballaaran.
Dagaalka Yemen oo billowday sanadkii 2014 markii Xuutiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca ayaa sababay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadantinimo ee ugu waaweyn dunida.
Inkastoo xabbad-joojin la gaaray sanadkii 2022, haddana Xuutiyiintu weli waxay gacanta ku hayaan caasimadda iyo deegaanno badan oo dalka ka tirsan, halka xiisadaha cusub ee gobolka ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in colaaddu mar kale si buuxda u qaraxdo.