Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo ku beegan 30-ka Luulyo 2026 kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo taageerada Mareykanka ee nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, adkeynta amniga, iyo horumarinta xasilloonida gobolka.




From the comments