Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka iyo horumarinta dimuqraadiyadda.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaanno kala duwan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab jab xooggan, islamarkaana lagu xaqiijiyey guulo dhanka amniga ah.




From the comments