Goobjoog

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay dowladdu…

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya


Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay dowladdu waddo ee la-dagaallanka argagixisada, xaaladda iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha garab-istaagga joogtada ah iyo mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments