Boqolaal qof oo reer Tigree ah, oo ay ku jiraan dagaalyahanno dhaawac ah, ayaa u qaxay gudaha Suudaan kadib dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Shererina ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigrey (TPLF).
Dagaallada oo billowday subaxnimadii Sabtida ayaa la sheegay in lagu adeegsaday madaafiic culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in uu burburo heshiiskii nabadeed ee la gaaray sannadkii 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii dhiigga badnaa ee ka dhacay gobolka Tigrey.
TPLF ayaa dowladda Itoobiya ku eedeysay inay bilowday weerarka islamarkaana ay qaaday duullaan ballaaran oo dhinaca dhulka ah, halka dowladda federaalka iyo ciidamada Tigrey ay muddo bilo ah isku horfadhiyeen xadka waqooyiga gobolka, iyagoo labada dhinacba midba kan kale ku eedeynaya inuu doonayo inuu huriyo dagaal cusub.




From the comments