U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka Puntland oo La Wareegay Xeradii PSF ee Gaalkacyo

Ogoosto 5, 2026

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa la wareegay xarun ay hore u isticmaali jireen ciidamada PSF ee magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaal Culus oo saaka halkaas ka dhacay.

War-saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka uu bartilmaameedkiisu ahaa goobo uu maamulka Puntland ku eedeeyay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta deegaanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, oo Puntland ay booskii dagaalka u adeegsatay erayga “Howgal amni” dhacdadu waxay qayb ka hayd qorshe lagu adkeynayo fulinta sharciga, ilaalinta nabadgelyada iyo ciribtirka kooxaha hubeysan ee loo arko inay wiiqayaan amniga.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka Gaalkacyo oo muddo saacado ah socday ayay Puntland ku guuleystay inay qabsato xaruntii PSF, lamana oga tillaabada xegi doonta.