U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo shaaciyay inuu la wareegay saldhiggii ciidanka federaalku ay ku lahaayeen Carmo

Ogoosto 8, 2026

Maamulka Puntland ayaa sheegay in lagu wareegeen saldhig ay ciidamo hoostaga DFS ku lahaayeen magaalada Carmo wax ay Booliska Puntland ugu yeereen howlgal amni.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidanka Booliska Puntland, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga oo saacado ka hor ay ka baxeen ciidamadii ku sugnaa.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in tillaabadani ay qeyb ka tahay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo sidoo kale la sameeyay kala-dambeyn iyo hubin lagu sameeyay xaaladda magaalada.

Dhinaca sargaal ka tirsan ciidamadii saaka carmo ka guuray ayaa sheegay inay halkaas xeelad ciidan uga baxeen, asagoo sheegay inay saldhig kale oo isla gobolkaas ku yaalla ku suganyihiin, islamarkaana aysan Puntland isku dhiibi doonin.

Maamulka Puntland oo dagaal adag kula jira dawladda Soomaaliya iyo Ciidankeeda ayaa sheegay in aysan deegaannadiisa ku sugnaan karin xoogag aan ayaga ka amar qaadan, ayagoo 48 saacado oo dhammaatay horay ugu qabtay ciidamadaas.