Maamulka Puntland ayaa sheegay in lagu wareegeen saldhig ay ciidamo hoostaga DFS ku lahaayeen magaalada Carmo wax ay Booliska Puntland ugu yeereen howlgal amni.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidanka Booliska Puntland, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga oo saacado ka hor ay ka baxeen ciidamadii ku sugnaa.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in tillaabadani ay qeyb ka tahay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo sidoo kale la sameeyay kala-dambeyn iyo hubin lagu sameeyay xaaladda magaalada.




From the comments