Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dhaqdhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo deegaanka Carmo, halkaas oo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ka diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay u dhaqaaqeen dhanka bari ee Puntland.
Ciidamadan ayaa sida wararka hordhaca ah sheegayaan, horey ugu sugnaa deegaanka, waxaana la qorsheeyay inay maanta xilka kala wareegaan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, hase yeeshee xalay ayay goobihii ay ku sugnaayeen ka dhaqaaqeen, iyagoo u jihaystay dhanka bari.
Dhaqdhaqaaqa ciidamadan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayay in maanta ay dhacdo kala wareegis dhinaca maamulka iyo amniga ah, taas oo la xiriirta ciidamada iyo goobaha ay ku sugnaayeen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo u dirtay dhanka ay u dhaqaaqeen ciidamadaasi, iyadoo xaaladda deegaanka iyo nawaaxigiisa si dhow loola socdo.
Dhaqdhaqaaqan ayaa xaaladda ka dhigay mid xasaasi ah, gaar ahaan Carmo iyo deegaannada ku dhow, maadaama xiriirka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu yahay mid muddooyinkii dambe ay ka jireen kala aragti duwanaansho.
Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si faahfaahsan uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Puntland oo xaqiijinaya sababta dhaqdhaqaaqa ciidamadan ama waxa ay tahay ujeeddada rasmiga ah ee ay u dhaqaaqeen dhanka bari.
Sidoo kale, lama xaqiijin in ciidamadu ay bilaabeen hawlgal militari ama in dhaqdhaqaaqoodu yahay mid la xiriira qorshihii kala wareegista ciidamada ee la filayay maanta.