Goobjoog

Drone-ka MQ-9 Reaper ee Mareykanka oo ku burburtay Jabuuti

JABUUTI — Diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 Reaper ah oo Mareykanku leeyahay ayaa la sheegay inay Axaddii ku burburtay dalka Jabuuti, sida ay qortay Warbaahinta dalka Jabuuti. Safaaradda…

Drone-ka MQ-9 Reaper ee Mareykanka oo ku burburtay Jabuuti

JABUUTI — Diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 Reaper ah oo Mareykanku leeyahay ayaa la sheegay inay Axaddii ku burburtay dalka Jabuuti, sida ay qortay Warbaahinta dalka Jabuuti.

Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa ayaa horay u shaacisay inay la socoto xaalad ay ku tilmaantay “diyaarad ku jirta xaalad degdeg ah” oo ku sugan hawada Jabuuti.

Safaaradda ayaa dadka uga digtay inay ka fogaadaan agagaarka Chabelley Airbase, halkaas oo dhacdadu la xiriirto.

Warbixinta waxay sheegtay in diyaaradda la rumeysan yahay inay tahay MQ-9 Reaper, oo ah drone ay ciidamada Mareykanku si weyn ugu adeegsadaan hawlgallada ilaalinta iyo duqeymaha meelaha fogfog.

Dhanka kale, warbixinta la heli karo ma bixineyso faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta uu drone-ku u burburay.

Sidoo kale, lama xaqiijin in diyaaradda la soo riday, cilad farsamo ku timid ama ay sabab kale keentay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments