Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeer ku tagtay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa kormeerka ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, xubnaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Mas’uuliyiinta ayaa kormeerka ujeeddadiisu ahayd inay hubiyaan heerka uu marayo diyaar-garowga goobta, habraacyada doorashada iyo agabka loo diyaariyey in loo adeegsado maalinta doorashada.
Intii uu kormeerku socday, waxaa la indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee goobta, iyadoo si gaar ah loo qiimeeyey diyaar-garowga farsamo iyo hab-maamuuska doorashada, nidaamka cod-bixinta, goobaha uu ka howlgeli doono Guddiga Doorashada iyo agabka loogu talagalay xildhibaanada.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah, xasilloon oo waafaqsan xeerarka iyo habraacyada u degsan Golaha Shacabka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga lagu xaqiijinayo in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku qabsoonto jawi ammaan ah, nidaamsan oo hufan, iyadoo la hubinayo in la diyaariyey dhammaan agabka iyo habraacyada lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.