Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaddib markii maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u doorteen xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaanadu siiyeen, isagoo u rajeeyay inuu si hufan, masuuliyad iyo daacadnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hoggaaminta Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda Golaha Shacabka uu u leeyahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo tilmaamay doorka Golaha ee sharci-dejinta, matalaadda shacabka iyo xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.



From the comments