Qiimeyn ay samaysay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymo ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Yemen sannadkii 2025 ay sababeen dhimashada 153 qof oo rayid ah, halka 243 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta Pentagon-ka oo aan sir ahayn ayaa muujinaysa in dhammaan khasaaraha rayidka ah ee ay ciidamada Mareykanku diiwaangeliyeen sannadkaas uu ka dhashay saddex weerar oo dhacay bishii Abriil 2025.
Saddexda duqeymood ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Xuutiyiinta iyo deegaanada ku dhow caasimadda Sanca, iyo sidoo kale dekedda shidaalka ee Ras Ciise ee gobolka Xudeyda.
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa wuxuu ka dhacay dekedda Ras Ciise, halkaas oo sida qiimeynta Pentagon-ka lagu sheegay ay ku dhinteen 80 qof, halka 171 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Mareykanka ayaa xilligaas sheegay in weerarka Ras Ciise uu ahaa mid lagu jarayay il shidaal iyo dhaqaale oo ay Xuutiyiintu ka heli jireen dekedda, ayadoo Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu sidoo kale sheegay in ujeeddadu aysan ahayn waxyeellada shacabka Yemen.
Si kastaba ha ahaatee, qiimeyntii Pentagon-ka ayaa markii dambe lagu ogaaday in saddexda weerar ay u badan tahay inay sababeen waxyeello loo geystay rayid, iyadoo qiimeynta lagu saleeyay xog sirdoon, sawirro iyo warbixinno laga helay ilo furan.
Tirada khasaaraha ayaa si weyn uga badan tii sanadkii 2024, markaas oo Pentagon-ku qiimeeyay in hawlgallada ciidamada Mareykanka ay Yemen ka fuliyeen ay dileen laba qof oo rayid ah, halka laba kalena ay dhaawacmeen.
Pentagon-ku wuxuu sidoo kale sheegay in aan la bixin magdhowga tacsiyeed ee loo yaqaan condolence payments dadka ku dhintay ama qoysaskooda, inkastoo warbixintu aysan si faahfaahsan u sharxin sababta go’aankaas.
Dhanka kale, khasaaraha rayidka ah ee ka dhashay duqeymaha Mareykanka ee Yemen ayaa laga yaabaa inuu kordho, iyadoo CENTCOM ay ilaa Febraayo 2026 dib u eegis ku waday 15 dhacdo oo kale oo hay’adaha aan dowliga ahayn ay ku soo warrameen inay ahayd khasaaro rayid.
Duqeymaha Mareykanka ee Yemen waxay billowdeen xilligii madaxweyne Joe Biden, kaddib markii Xuutiyiintu bilaabeen weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo lagu qaaday maraakiib ganacsi oo mara Badda Cas.
Qiimeyntan cusub ee Pentagon-ka ayaa kusoo beegmaysa xilli si weyn loo eegayo saameynta rayidka ee hawlgallada milatari ee Mareykanka, gaar ahaan siyaasadda maamulka madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan weerarrada dibadda.