Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay howlgal ka fuliyay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay war ay soo saartay NISA.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday guri la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo sida ay NISA sheegtay muddooyinkii u dambeeyay ka waday deegaannada gobolka qorsheyn iyo abaabul la xiriira dagaallo.
Wararka kasoo baxay hay’adda ayaa sheegaya in howlgalka lagu gaarsiiyay kooxda khasaaro xooggan, iyadoo bartilmaameedku ahaa xubno muhiim u ahaa hoggaanka iyo isku-dubbaridka howlgallada kooxda ee gobolka.




From the comments