U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya Howlgal ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Ogoosto 13, 2026

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay howlgal ka fuliyay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay war ay soo saartay NISA.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday guri la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo sida ay NISA sheegtay muddooyinkii u dambeeyay ka waday deegaannada gobolka qorsheyn iyo abaabul la xiriira dagaallo.

Wararka kasoo baxay hay’adda ayaa sheegaya in howlgalka lagu gaarsiiyay kooxda khasaaro xooggan, iyadoo bartilmaameedku ahaa xubno muhiim u ahaa hoggaanka iyo isku-dubbaridka howlgallada kooxda ee gobolka.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgallo sirdoon oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka wadaan qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan deegaannada Bartamaha iyo Koonfurta dalka.

NISA ayaa bilihii u dambeeyay dhowr jeer sheegtay in howlgallo noocan ah lagu bartilmaameedsaday xubno sare iyo xarumo ay kooxda ku lahayd Gobolka Hiiraan iyo meelo kale.