Goobjoog

Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo UNDP oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qasim, ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaadatay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta…

Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo UNDP oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qasim, ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaadatay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP).

Kulanka ayaa si gaar ah loogu hadlay sidii loo kobcin lahaa awoodda Guddiga, loona xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo wadajir ah oo bulshada Soomaaliyeed wax looga qabanayo.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Guddiga, Mustafa Axmed Maxamuud, iyo Madaxa Barnaamijyada Dowlad-wanaagga UNDP, Evariste Sibomana.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka uu ku xoojinayo hawlihiisa, iskaashiga uu la leeyahay hay’adaha caalamiga ah iyo gudashada waajibaadkiisa qaran ee la xiriira ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments