Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada, iyadoo ay qaabileen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-geli doono munaasabad lagu soo xirayo tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




From the comments