U bood dhigaalka

Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka oo Wadahadallo la bilaabay Xildhibaannada Mucaaradka

Ogoosto 16, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kulan albaabadu u xirnaayeen la yeeshay guddi Xildhibaanno ah oo wakiil ka ah Xildhibaannada mucaaradka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Golaha Shacabka uu u noqon lahaa hal Gole oo mideysan, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeya xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed iyo ilaalinta danta guud ee dalka, inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 12-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado kulamada iyo wada-hadallada, iyadoo la doonayo in laga gaaro heshiis saldhig u noqda wada-shaqeyn iyo is-faham siyaasadeed.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku dayayaan inay ka heshiiyaan arrimaha khuseeya mustaqbalka dalka iyo habsami-u-socodka geeddi-socodka doorashooyinka.