Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kulan albaabadu u xirnaayeen la yeeshay guddi Xildhibaanno ah oo wakiil ka ah Xildhibaannada mucaaradka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Golaha Shacabka uu u noqon lahaa hal Gole oo mideysan, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeya xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed iyo ilaalinta danta guud ee dalka, inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 12-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado kulamada iyo wada-hadallada, iyadoo la doonayo in laga gaaro heshiis saldhig u noqda wada-shaqeyn iyo is-faham siyaasadeed.




From the comments