Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirka Qaran ee daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saarayo hirgelinta nidaam caddaaladeed oo si gaar ah uga jawaabaya baahiyaha iyo xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo dowlad-goboleed, hay’adaha amniga, bahda caddaaladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkan ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto doodo iyo falanqeyn ku saabsan dhaqan-gelinta sharciga iyo waajibaadka hay’adaha kala duwan ee ku lugta leh caddaaladda carruurta.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in bahda amnigu ay si dhow ula shaqeyn doonaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso hirgelinta sharciga, si loo xaqiijiyo cadaalad wax-ku-ool ah iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa carruurta ku tilmaamay qayb muhiim ah oo ka mid ah mustaqbalka dalka, isagoo yiri: “Marka ay awlaadeennu hagaagaan, dalkuna wuu hagaagayaa. Carruurtu qayb muhiim ah ayay ka qaadanayaan dhismaha mustaqbalka dalka.”
Dhanka kale, Ku-xigeenka Wakiilka Barnaamijyada ee Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNICEF” Nisar Syed, ayaa sheegay in ansixinta Xeerka Caddaaladda Carruurta ay tahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u qaaday dhismaha nidaam caddaaladeed oo ilaalinaya xuquuqda, karaamada iyo mustaqbalka carruurta.
“Ansixinta Xeerka Caddaaladda Carruurta waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u qaaday dhismaha nidaam caddaaladeed oo taageeraya carruurta xuquuqdooda, karaamadooda iyo mustaqbalkooda,” ayuu yiri Nisar Syed.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa isna khudbad ka jeediyay munaasabadda, isagoo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda Sharciga Cadaaladda Carruurta iyo doorka uu ka qaadanayo dhameystirka nidaamka lagu ilaalinayo xuquuqda iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Cadaaladda ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Cabdinuur Maxamed Xasan, ayaa jeediyay hadal soo dhaweyn ah, isagoo sharaxay ujeeddooyinka munaasabadda qaran iyo muhiimadda daahfurka sharcigan.
Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu noqdo hannaan muhiim u ah sidii carruurta iyo da’yarta la kulma nidaamka caddaaladda loo siin lahaa daryeel iyo hannaan cadaaladeed oo tixgelinaya da’dooda, xuquuqdooda iyo mustaqbalkooda.
Daahfurka sharcigan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha caddaaladda, amniga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo muhiimadda la siinayo in carruurta lagu dabaqo hannaan caddaaladeed oo ku saleysan ilaalin, dib-u-habeyn iyo fursad ay mustaqbalkooda ku dhistaan.