U bood dhigaalka

Duqa Gaalkacyo: “Waxaan rabnaa inaan ka baxno Buntilaan iyo Galmudug”

Ogoosto 17, 2026

Duqa Gaalkacyo ee dhinaca Buntilaan, Xuseen Cabdinuur Maxamed, ayaa sheegay inay doonayaan in mustaqbalka dhow magaalada Gaalkacyo laga dhigo magaalo iskeed isu maamusha oo aan hoos iman labada maamulgoboleed ee Buntilaan iyo Galmudug.

Hadalkan ayaa soo baxaya xilli Gaalkacyo ay mar kale xuddun u noqotay xiisadda siyaasadeed ee u dhexaysa Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Buntilaan.

“Mustaqbalka dhowna waxaan rabnaa in aan ka baxno labada maamul oo noqonno magaalo ismaamusha oo ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Cabdinuur Maxamed.

Duqa ayaa sidoo kale sheegay in Gaalkacyo ay leedahay xeerar iyo nidaam u gaar ah oo ay tahay in la dhowro, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Garoowe iyo Muqdisho aan loo soo rarin magaalada Gaalkacyo.

Hadalka Xuseen Cabdinuur ayaa yimid xilli xaaladda Gaalkacyo si dhow isha loogu hayo, kaddib markii Buntilaan ay maalmo ka hor ka digtay safar Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la sheegay inuu ku tagayo koonfurta magaalada ee ay maamusho Galmudug maanta oo Isniin ah.

Buntilaan waxay ku doodday in safarku kordhin karo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni, halka Galmudug ay diidday walaacaas, iyadoo sheegtay in Madaxweynaha JFS uu xaq u leeyahay inuu booqdo degaannada dalka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 14ka Agoosto gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka bilaabay safar uu ku marayo Galmudug, ayadoo Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in safarkiisu la xiriiro horumarinta iyo xoojinta arrimaha ciidamada, mashaariicda horumarinta iyo latashiyada bulshada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Buntilaan, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku sugan Gaalkacyo, dhinaca Buntilaan. Madaxtooyada Buntilaan ayaa 15ka Agoosto sheegtay in Deni, oo safarshaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, uu kulan la yeeshay masuuliyiin iyo saraakiil ku sugan gobolka Mudug.

Xiisadda cusub ayaa salka ku hayaa iska-hor-imaadkii 5ta Agoosto ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, markaas oo ciidamada Buntilaan ay la wareegeen gacankuhaynta xero ay haysteen ciidamo ka tirsan PSF oo taabacsanaa Dawladda Federaalka ah. Dhacdadaas ayaa sii adkaysay khilaafka muddada soo jiitamayey ee u dhexeeya Garoowe iyo Muqdisho.

Hadalka cusub ee Duqa Gaalkacyo wuxuu doodda ku soo kordhinayaa aragti ka duwan muranka labada dhinac: in magaalada, oo maamul ahaan u kala qaybsan Buntilaan iyo Galmudug, mustaqbalka dhow yeelato hannaan ay si gaar ah isugu maamusho. Ilaa hadda ma jiro go’aan rasmi ah ama hannaan siyaasadeed oo dhaafsiisan hadalka Duqa Gaalkacyo ee daanta Buntilaan.