Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay xilli ciidamadeedu qaadaan masuuliyadda amniga dalka, ciidammada shisheeyahana ugu dambayn laga maarmo.
Madaxweynuhu wuxuu hadalkan jeediyay Axaddii, isaga oo ku sugan Galmudug, halkaas oo uu kaga qaybgalay munaasabad lagu soo gebagebeeyay tababarka ciidamo cusub oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dawladdu waxay ciidammadaas ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ay kula wareegayso sugidda amnigeeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddadii ciidamada shisheeye ay Soomaaliya ka taageerayeen dhinaca amniga ay soo martay marxalado kala duwan, haddana loo baahan yahay in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo inay si buuxda u gutaan waajibaadka difaaca iyo sugidda amniga dalka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo hawlgalka AUSSOM uu weli qayb ka yahay sugidda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argaggaxisada al-Shabaab.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sannadihii dambe xoogga saartay kordhinta, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo sheegaysa in ujeeddadu tahay in Soomaaliya mustaqbalka si buuxda ula wareegto masuuliyadda amnigeeda.