Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Axaddii Muqdisho kula kulmay safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nucaymi, iyadoo labada dhinac ay dib u eegeen xidhiidhka iskaashi ee Soomaaliya iyo Qatar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegtay in kulanka lagu falanqeeyey iskaashiga labada dal, hasayeeshee faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin dhinacyada gaarka ah ee laga wada hadlay ama in heshiisyo cusub laga gaaray.
Kulanka ayaa imanaya maalmo kaddib markii wafdi ka socday dawladda Qatar oo uu hoggaaminayey Talal bin Rashid Al-Hajri uu Muqdisho kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo wadahadalladaas diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee waxsoosaarka cuntada iyo caafimaadka.




From the comments