U bood dhigaalka

Muqdisho oo laga xusayo 15 sano guuradii ka soo wareegtay markii uu dib u xoogaystay xariika Soomaaliya iyo Turkigu ?

Ogoosto 19, 2026

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo dib u curashadii xariirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya  iyo Turkiga oo hadda jirsaday 15 sano oo xiriir iyo iskaashi diblomaasiyadeed oo qoto dheer ah  ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socday dowladda Turkiga.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay taariikhda xiriirka labada dal iyo waxqabadkii ka dhashay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga muddadii 15-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Xiriirka labada dal ayaa si weyn dib ugu soo xoogaystay 2011-kii, xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, oo ay ka jireen abaaro ba’an iyo dagaallo, gaar ahaan dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ee ka socday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xilligaas, Soomaaliya waxaa hoggaaminayay dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, iyadoo Turkigu uu noqday mid ka mid ah dalalkii si weyn uga jawaabay xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sannadkii 2011 soo booqday Muqdisho, booqashadaas oo loo arkay mid muhiim u ahayd dib-u-soo-nooleynta xiriirka labada dal iyo muujinta taageerada Turkiga ee Soomaaliya xilli dalka uu ku jiray xaalad adag.

Muddooyinkii lasoo dhaafay, iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu ku fiday dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadannimo, horumarinta dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo tababarka ciidamada Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa door muuqda ku leh tababarka iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya, iyadoo Ankara ay tababartay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidamada Gorgor, oo door ka qaatay howlaha amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu ka gudbay iskaashi diblomaasiyadeed oo keliya, isla markaana uu noqday xiriir ku dhisan saaxiibtinimo, walaaltinimo iyo iskaashi istiraatiiji ah.

Turkiga ayaa sidoo kale Muqdisho ku leh safaarad iyo xarumo kala duwan oo ka shaqeeya xoojinta xiriirka labada dal, halka Soomaaliya iyo Turkiguna ay sannadihii dambe kordhiyeen iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta.