Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayey xiriika ku salaysan iskaashi diblumaasiyadeed iyo walaaltinnimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye, kaasi oo 15 sano ay ka soo wareegtay markii dib-loo sii xoojiyey.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Shan iyo Tobban sano ka hor uu dalkeennu ku jiray mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee taariikh deenna, xilligaasi oo dalka ay ka jireen abaaro, macaluul iyo amni-darro ba’an, balse 19 Agoosto 2011, Ra’iisul Wasaarihii xilligaas ee dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu qaatay go’aan adag, isla markaana uu booqasho taariikhi ah oo xambaarsan farriin cad oo ah in aysan dadka Soomaaliyeed kaligood ahayn ku yimid caasimadda Muqdisho.
“Soomaaliya waxa ay farriintaasi u furtay bog cusub, muddo kooban kadib waxa uu xiriirkaasi isku beddelay iskaashi, istaraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Amniga iyo Ganacsiga. 15-sano kadib, xiiirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu astaan u yahay saaxiibtinnimo dhab ah, iskaashi xooggan iyada oo walaalaha Turkiga ay xilliyada adag garab u yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.




From the comments