U bood dhigaalka

Iiraan oo Mareykanka ku eedeysay argagixisanimo dhaqaale

Ogoosto 20, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si adag uga hadlay siyaasadda dhaqaale ee Mareykanka, isagoo ku eedeeyay Washington inay waddo tallaabooyin uu ku tilmaamay argagixiso dhaqaale, kuwaas oo sida uu sheegay khatar ku ah dhaqaalaha caalamka iyo madaxbannaanida dalalka.

Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiska dhaqaale ee Mareykanka uusan saameyn ku yeelanayn oo keliya Iran, balse uu halis ku yahay nidaamka dhaqaalaha caalamka iyo awoodda dowladuhu u leeyihiin inay si madax-bannaan u maamulaan arrimahooda dhaqaale.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay sii wadista siyaasadaha uu ku tilmaamay kuwo fashilmay, isagoo sheegay in ku adkeysiga waddadaas ay horseedi karto guuldarrooyin hor leh isla markaana ay sii kordhin karto caro ka dhalata shacabka Iiraan.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in waxa loogu yeero “Maalinta Guusha Dhaqaale” aysan ahayn guul dhab ah, balse uu ku tilmaamay isku day lagu doonayo in shacabka iyo caalamkaba looga jeediyo dareenka dhibaatooyinka gudaha ee ka jira Mareykanka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda Iiraan iyo Mareykanka ay weli aad u sarrayso, iyadoo cunaqabateynaha iyo cadaadiska dhaqaale ay muddo dheer qeyb ka ahaayeen khilaafka u dhexeeya labada dowladood.