Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si adag uga hadlay siyaasadda dhaqaale ee Mareykanka, isagoo ku eedeeyay Washington inay waddo tallaabooyin uu ku tilmaamay argagixiso dhaqaale, kuwaas oo sida uu sheegay khatar ku ah dhaqaalaha caalamka iyo madaxbannaanida dalalka.
Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiska dhaqaale ee Mareykanka uusan saameyn ku yeelanayn oo keliya Iran, balse uu halis ku yahay nidaamka dhaqaalaha caalamka iyo awoodda dowladuhu u leeyihiin inay si madax-bannaan u maamulaan arrimahooda dhaqaale.
Wuxuu sidoo kale dhaliilay sii wadista siyaasadaha uu ku tilmaamay kuwo fashilmay, isagoo sheegay in ku adkeysiga waddadaas ay horseedi karto guuldarrooyin hor leh isla markaana ay sii kordhin karto caro ka dhalata shacabka Iiraan.




From the comments