Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee Shirweynaha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha.
Shirweynaha waxaa ka qeyb galaya wasiirrada warfaafinta, madaxda hay’adaha warbaahinta iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Shiinaha, iyadoo looga hadlayo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada warbaahinta iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Ajandaha shirweynaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa casriyeynta hay’adaha warbaahinta, adeegsiga tiknoolajiyadda cusub, horumarinta xirfadaha shaqaalaha warbaahinta iyo is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu shirweynaha ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo horumarka warbaahinta gobolka, muhiimadda xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinaca warbaahinta iyo dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha warbaahinta Soomaaliya.
Sidoo kale, inta uu ku sugan yahay magaalada Beijing, Wasiirka ayaa kulammo la yeelanaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha iyo qaar ka mid ah wasiirrada warfaafinta ee dalalka Afrika ee ka qeyb galaya shirweynaha.
Kulamadaasi ayaa lagu wadaa in looga hadlo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta, tababarrada, horumarinta tiknoolajiyadda warbaahinta iyo is-dhaafsiga khibradaha u dhexeeya Soomaaliya, Shiinaha iyo dalalka kale ee Afrika.
Shirweynaha Afrika iyo Shiinaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu kobcinayo xiriirka labada dhinac, gaar ahaan doorka warbaahinta ee horumarinta xiriirka, is-fahamka iyo iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.