U bood dhigaalka

Ciidanka deegaanka Wargaadhi oo sheegay inay dileen horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Ogoosto 22, 2026

Ciidanka deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaan ka tirsan gobolka, halkaas oo ay sheegeen inay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Cabdullaahi Maxamuud Odowaa, oo loo yaqaannay Faadhuud, kaas oo ay ku tilmaameen horjooge kooxda u qaabilsanaa ururinta waxa ay ugu yeerto Zakawaadka.

Sida ay sheegeen ciidanka, Cabdullaahi Maxamuud Odowaa oo da’diisu ahayd 57 sano ayaa kooxda ku biiray sanadkii 2009, waxaana lagu dilay deegaanka Tawakal.

Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkan ay ka qayb qaateen Faarax Ismaan Raage iyo Jacfar Axmed Dhuxul, kuwaas oo ka tirsan ciidanka, iyagoo sheegay inay horjoogaha ku dileen goob ay kooxda maamusho.

Ciidamada deegaanka ayaa ku eedeeyay horjoogaha in uu door ku lahaa dhibaatooyin iyo cadaadis ay sheegeen in lagu hayay shacabka ku nool deegaanada uu ka howlgali jiray.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli la sheegay in maalmahan dambe ay sii xoogeysteen howlgallada lagu baadi-goobayo xubnaha iyo horjoogayaasha Al-Shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.