Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda daahfurka mashaariic uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ka fulinayo Soomaaliya.
Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada, iyadoo xoogga la saarayo wacyigelinta bulshada iyo doorka hay’adaha kala duwan.
Mashruuca ugu horreeya ee munaasabadda lagu daahfurayo ayaa ah Barnaamijka Wariyaasha Nabadda, kaas oo lagu xoojinayo doorka warbaahinta iyo wariyeyaasha ee ka hortagga xagjirnimada iyo argagixisada, iyo sidoo kale kor u qaadista nabadda, isku-xirka bulshada iyo wacyigelinta dadweynaha.




From the comments