Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaas oo looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo diyaar-garowga fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka Dayrta ee la filayo inay dhawaan ka da’aan qaybo ka mid ah dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha, u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah iyo qorshayaasha lagu yareynayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan meelaha ku dhow wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira inay daadadku saameeyaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddiga faray in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka ku nool hareeraha wabiyada iyo dhulka biyo-mareennada ah, si looga feejignaado khataraha fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si hufan loo isku dubbarido howlaha gurmadka, lana abaabulo hay’adaha dowladda, deeq-bixiyeyaasha, ganacsatada Soomaaliyeed iyo bulshada, si loo taageero dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.
Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka ayaa soo bandhigay qorshayaal la xiriira ka jawaabista masiibooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga dalka, iyadoo xoogga la saarayo badbaadinta shacabka iyo yareynta khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo abaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambayn faray guddiga inay dardar geliyaan isku-duwidda howlaha gurmadka iyo wacyigelinta bulshada, si looga hortago khasaaraha ka dhalan kara xaaladaha dabiiciga ah ee dalka soo wajihi kara.