Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaas oo looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo diyaar-garowga fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka Dayrta ee la filayo inay dhawaan ka da’aan qaybo ka mid ah dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha, u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah iyo qorshayaasha lagu yareynayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan meelaha ku dhow wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira inay daadadku saameeyaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddiga faray in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka ku nool hareeraha wabiyada iyo dhulka biyo-mareennada ah, si looga feejignaado khataraha fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.




From the comments