Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Soomaaliya, howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada Britain ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Britain ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo diiradda la saaray horumarinta awoodda ciidamada iyo yareynta khatarta kooxaha argagixisada.
Wasiir Fiqi ayaa dowladda Britain uga mahadceliyay taageerada iyo garab-istaagga ay Soomaaliya siiso, isaga oo kulanka ku tilmaamay qayb ka mid ah wadatashiyada joogtada ah ee labada dal ee ku saabsan amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.