Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo guddi matalayay xildhibaannada mucaaradka ayaa gaaray heshiis lagu soo afjarayo khilaafkii sababay kala-qaybsanaanta iyo hakadka ku yimid shaqada baarlamaanka.
Heshiiska ayaa yimid kaddib kulan ay yeesheen labada dhinac, kaas oo looga hadlay tabashooyinka xildhibaannada mucaaradka iyo sidii dib loogu soo celin lahaa habsami-u-socodka fadhiyada Golaha Shacabka.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in hoggaanka Golaha Shacabku ilaaliyo dhex-dhexaadnimada siyaasadeed, isla markaana xildhibaannada loo oggolaado inay si xor ah uga hadlaan arrimaha qaranka, shuruucda iyo howlaha baarlamaanka.




From the comments