Dowladda Turkiga ayaa laba markab oo ka tirsan ciidankeeda badda u soo dirtay biyaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, iyada oo sii kordhinaysa joogitaankeeda milatari iyo taageerada amni ee ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay dib u soo cusboonaadeen falalka la xiriira afduubka maraakiibta ee biyaha dalka.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa shaacisay in labada markab oo lagu kala magacaabo TCG Kemalreis iyo TCG Yzb.
Güngör Durmuş ay taageero buuxda siin doonaan Hawlgalka Ciidamada Badda Soomaaliya iyo howlgallada saadka, iyagoo sidoo kale 3-da iyo 4-ta bisha Sebtembar booqan doona dalka Jabuuti.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Turkiga, Zeki Aktürk, ayaa xaqiijiyay in Ankara ay sii wadayso howlaha ku saleysan heshiisyada laba-geesoodka ah, si kor loogu qaado awoodda ciidanka dalka ee dhinacyada la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeednimada.
Turkiga, oo xaruntiisa ugu weyn ee tababarka milatariga dibadda ku leh magaalada Muqdisho (TURKSOM), ayaa muddo toban sano ka badan ka mid ahaa bah-wadaagta ugu dhow ee Soomaaliya, isaga oo sannadahan dambe si weyn u ballaariyay iskaashiga badda kaddib heshiis difaac oo ay labada dawladood wada galeen.
Imaatinka maraakiibtan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo maamulka Puntland uu dowladda Turkiga ku eedeeyay inay duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay xeebaha Gobolka Nugaal labadii toddobaad ee la soo dhaafay, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo isugu jiray kalluumeysato iyo dad looga shakiyay burcad-badeednimo, inkastoo Ankara aysan wali si toos ah uga jawaabin eedeymahaas.