Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah magaalada Doha kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalkaas.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan weftiga Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka, horumarrada Soomaaliya ay gaartay sanadihii u dambeeyay, iyo guulaha laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha amniga iyo nabadda caalamka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista caqabadaha hortaagan habsami u socodka ganacsiga adduunka.




From the comments