U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Hamza oo Doha kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan

Ogoosto 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah magaalada Doha kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalkaas.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan weftiga Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka, horumarrada Soomaaliya ay gaartay sanadihii u dambeeyay, iyo guulaha laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha amniga iyo nabadda caalamka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista caqabadaha hortaagan habsami u socodka ganacsiga adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa boggaadiyay horumarka iyo waxqabadka dowladda Soomaaliya, isagoo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen madax-bannaanida dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya xilliyadii lagu soo xad-gudbay Jamhuuriyadda Soomaaliya.