U bood dhigaalka

Xisaabiyaha Guud oo shaaciyay in nidaamka mushaharka dowladda lagu xiriirinayo NIRA

Ogoosto 30, 2026

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ku wargeliyay qorshe lagu isku xiriirinayo Nidaamka Mushahar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Warqad ku taariikhaysan 29-ka Agoosto 2026 ayaa lagu sheegay in hirgelinta nidaamka cusub ay bilaaban doonto 1-da Oktoobar 2026, iyadoo marka hore la sameynayo tijaabo (Pilot Test). Intaas kadib, nidaamka ayaa si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doonaa dhammaan hay’adaha dowladda, iyadoo qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo 31-ka Diseembar 2027.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sheegay in isku-xirka labada nidaam uu muhiim u yahay xaqiijinta xogta shaqaalaha dowladda, hubinta mushaharka iyo la-dagaallanka shaqaalaha aan jirin (ghost workers) iyo khaladaadka ka dhalan kara nidaamka mushahar-bixinta.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in shaqaalaha aan hay’adaha NIRA ka diiwaangashanayn ama aan xogtooda si sax ah loo xaqiijin karin aan lagu dari doonin nidaamka mushahar-bixinta marka nidaamka cusub si rasmi ah u dhaqan galo.