U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo amniga Badda Cas

Ogoosto 31, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda amniga, si loo ilaaliyo badqabka maraakiibta loogana hortago khataraha ay ka mid yihiin argagixisada, tahriibinta iyo burcad-badeedda.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu yahay arrin muhiim u ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.