Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo xoojinta amniga gudaha dalka, horumarinta hay’adaha amniga iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Shirweynaha waxaa ka qeybgalaya saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan masuuliyiinta iyo saraakiisha laamaha amniga, kuwaas oo kulankan uga wada hadlaya xaaladda amniga gudaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hay’adaha amniga.
Ajandayaasha shirkan ayaa waxaa ka mid ah xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo laamaha amniga, si loo helo isku-duwid wanaagsan oo lagu wajaho caqabadaha amni ee dalka ka jira, loona adkeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in shirweynaha lagu soo bandhigo talooyin iyo qorshayaal la xiriira horumarinta awoodda hay’adaha amniga, tayeynta howlaha ay bulshada u hayaan iyo sidii loo xoojin lahaa doorka hay’adaha dowladda ee sugidda amniga gudaha.
Shirweynaha ayaa loo qorsheeyay in si rasmi ah uu u furo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyadoo khudbadda furitaanka lagu wada sugayo in lagu iftiimiyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo awoodda dowladda, iyadoo amniga gudaha uu weli yahay mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee u baahan isku-duwid iyo wada shaqeyn joogto ah.
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa noqonaya madal ay mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha amniga iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso kaga arrinsadaan sidii loo horumarin lahaa hannaanka amniga gudaha, loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha, loona gaarsiin lahaa dalka xasillooni iyo amni waara.