Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Amniga ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.
Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli Muqdisho uu ka socdo Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, kaas oo 1-da iyo 2-da Sebteembar 2026 diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa amniga gudaha dalka, loo horumarin lahaa isku-xirka hay’adaha amniga, loona dardargelin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Wasiirrada Amniga dowlad-goboleedyada ayaa Muqdisho u jooga ka qaybgalka shirweynaha, waxaana kulanka ay la yeesheen Wasiirka Amniga Gudaha XFS uu muhiim u yahay xoojinta wada-tashiga iyo isku-duwidda howlaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.




From the comments