U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada

Sebteembar 2, 2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Amniga ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.

Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli Muqdisho uu ka socdo Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, kaas oo 1-da iyo 2-da Sebteembar 2026 diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa amniga gudaha dalka, loo horumarin lahaa isku-xirka hay’adaha amniga, loona dardargelin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasiirrada Amniga dowlad-goboleedyada ayaa Muqdisho u jooga ka qaybgalka shirweynaha, waxaana kulanka ay la yeesheen Wasiirka Amniga Gudaha XFS uu muhiim u yahay xoojinta wada-tashiga iyo isku-duwidda howlaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Intii uu kulanku socday ayaa sidoo kale la isla eegay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha amniga, loona xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha kala duwan, iyadoo si gaar ah loo wajahayo caqabadaha amni ee weli ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo dhiso hannaan amni oo mideysan, isku-duwan oo wax-ku-ool ah.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu doonayo in la xoojiyo iskaashiga amni ee heer qaran, iyadoo masuuliyiinta amniga ay xoogga saarayaan in qorshayaasha iyo howlaha amni loo wajaho si wadajir ah.