Goobjoog

Ciidamo ka tirsan Asluubta oo xirtay Xabsiga Dhexe iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xirtay baraha muhiimka ah ee laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyagoo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.…

Ciidamo ka tirsan Asluubta oo xirtay Xabsiga Dhexe iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xirtay baraha muhiimka ah ee laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyagoo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada gadoodsan, xilli xiisad ay ka taagan tahay agagaarka Xabsiga Dhexe.

Ciidamadan ayaa la qoray ku dhawaad sanad ka hor, waxaana la sheegay in muddadaas aysan weli helin wax mushaar ah.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa dhawaan ciidamada marsiiyay habraaca qaadista faraha, taas oo qayb ka ah nidaamka loogu diyaarinayo in la bilaabo bixinta mushaarkooda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments