U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar la sheegay in lagu qaaday guriga Taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya

Sebteembar 4, 2026

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar duqayn ah oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub, kuna yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo dhinacyo ka ag dhow madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Jeneraal Mahad Shub ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray duqaynta, waxaana sidoo kale la sheegay in dad kale ay waxyeello ka soo gaartay weerarka, iyadoo uu jiro burbur soo gaaray hanti.

Jeneraal Mahad Shub ayaa hore u soo noqday taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana xilka laga qaaday bishii Maarso 2026, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaankii Koonfur Galbeed ee Laftagareen.

Weerarka gurigiisa ayaa kusoo beegmeya iyadoo ay magaalada Baydhabo uu dhowaan ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo xoogag daacad u ah Laftagareen.