U bood dhigaalka

Erdogan oo sheegay in Turkigu dadaal ugu jiro dejinta xiisadda Mareykanka iyo Iiraan

Sebteembar 5, 2026

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, isagoo sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Erdogan ayaa hadalkan sheegay kaddib wada-hadal khadka telefoonka ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay dadaal ku bixineyso sidii loo soo afjari lahaa xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran iyo colaadaha kale ee ka taagan gobolka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu sii wadi doono dadaallada diblomaasiyadeed ee nabadda ku saleysan, asagoo sidoo kale sheegay in Turkigu aanu marnaba taageersanayn weerarrada lagu qaado dalalka gobolka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

Dhanka kale, labada madaxweyne waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo warshadaha difaaca.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in iskaashiga labada dal uu sii ballaaran doono, ayadoo
Imaaraadku uu isna xaqiijiyay in labada dhinac ay isla qaadeen baahida loo qabo in la kordhiyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, lana gaaro nabad waarta oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shucuubta gobolka.

Hadalka Erdogan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanku ay weli saameyn ku leedahay amniga Bariga Dhexe, iyadoo dalalka gobolka ay kordhinayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo khatarta dagaal iyo fiditaanka colaadda.