Isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee Marin-biyoodka Hormuz ayaa hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay tan iyo bishii May, kaddib markii ay sii xoogeysatay xiisadda militari ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, taas oo si weyn u saameysay amniga maraakiibta iyo dhoofinta badeecooyinka iyo shidaalka.
Xog ay bixisay shirkadda dabagalka maraakiibta ee Kpler ayaa muujinaysa in 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay celcelis ahaan ay maalin kasta Hormuz ka gudbeen 10 markab oo badeecooyin sida, halka tiradu Jimcihii ahayd in ka badan 15 markab, Sabtidana ay ku dhowdahay 13.
Sabtidii waxaa marin-biyoodka ka gudbay laba markab oo keliya, halka Axaddii ay gudbeen lix markab, intooda badanna ay isticmaaleen waddada dhinaca Iiraan.
Hoos u dhaca ayaa yimid kaddib weerarro is-daba-joog ah oo lala beegsaday maraakiibta, ayadoo ciidamada Mareykanku ay Sabtidii sheegeen inay weerareen saddex booyadood oo shidaal oo Iiraan leedahay, oo uu ku jiray mid ku dhow jasiiradda Kharg oo ah xarun muhiim u ah dhoofinta shidaalka Iiraan.
Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay bartilmaameedsatay saddex booyadood oo shidaal oo marayay waddooyin aysan Iran oggolayn, iyo sidoo kale saddex markab oo Mareykan ah meelo kale.
Hay’adda Maritime intelligence-ka ee Marisks ayaa dhacdooyinkan ku tilmaantay koror weyn oo ku yimid dagaalka badda, iyadoo sheegtay in maraakiibta ganacsiga ay hadda qayb ka noqdeen cadaadis dhaqaale oo ay labada dhinac isu adeegsanayaan.
Sidoo kale, UK Maritime Trade Operations ayaa sheegtay in tan iyo 6-dii July la diiwaangeliyay 27 dhacdo oo weerarro gantaallo ama madaafiic ah oo ka dhacay gudaha ama agagaarka Marin-biyoodka Hormuz, kuwaas oo sababay waxyeello soo gaartay maraakiib.
Axaddii, hal markab oo weyn oo shidaal qaada iyo saddex markab oo xamuul ah ayaa galay Hormuz, halka booyad shidaal oo badeecooyin la sifeeyay kasoo qaaday Sacuudiga ay isku dayday inay ka baxdo Gacanka balse dib loo celiyay.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga tamarta adduunka, ayadoo Kahor dagaalka, in ka badan 100 markab ay maalin kasta mari jireen halkaas, xilligaas oo qayb aad u weyn oo shidaalka caalamka ah ay ku xirnayd marin-biyoodkan.