Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta (NLA), kaas oo ka shaqeeya horumarinta arrimaha hoggaaminta Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa maamulka iyo guddigan ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha NLA , waxayna guddiga soo bandhigeen in la dhammaystiray xarumihii uu ku hawlgali lahaa akadeemiyadd , la dajiyay manhajkiisa, islamarkaasna xarumo iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah la gaareen heshiisyo isfaham ah.
Raโiisul Wasaaraha ayaa masโuuliyiinta ku bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee ay ka qabteen akadeemiyadda , isaga oo sheegay in uu ku soo aadday markii loogu baahi badnaa:




From the comments