U bood dhigaalka

Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay kulan looga hadlayo dowladnimada iyo nabad-dhisidda Soomaaliya

Sebteembar 9, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay madal wadahadal ah oo looga hadlayay doorka shacabka ee maamulka dalka, dib-u-heshiisiinta iyo nabad-dhisidda.

Kulanka oo loo bixiyay Madasha Wada-hadalka Jiilasha ee Nabad-dhisidda iyo Dowladnimada ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, waxaana ka qeyb galay dhalinyaro, haween, wakiillo ka socda bulshada, ururrada bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Madashan ayaa fursad u siisay qeybaha kala duwan ee bulshada inay si toos ah ula falgalaan hay’adaha dowladda, su’aalo ka weydiiyaan habka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah, isla markaana soo bandhigaan caqabadaha hortaagan ka qeybgalka shacabka ee go’aan-qaadashada.

Qodobada muhiimka ah ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah dib-u-heshiisiinta, nidaamka federaalka, dowladnimada heer deegaan, helitaanka adeegyada iyo hay’adaha dowladda iyo fursadaha hoggaamineed, iyadoo si gaar ah loo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka, dhalinyarada iyo bulshada laga tirada badan yahay ay helaan fursado ay kaga qeyb qaataan dowlad-dhiska.

Wadahadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo nidaamka federaalka, dib loogu dhisayo kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda, iyo in laga gudbo saameynta tobannaan sano oo ay dalka ka jireen colaado iyo xasillooni-darro siyaasadeed.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo in hay’adaha dowladdu aysan ku koobnaan oo keliya dhismaha xarumo iyo nidaamyo maamul, balse ay noqdaan kuwo si fudud loo heli karo, dadka dhageysta, isla markaana si dhab ah uga jawaaba baahiyaha bulshada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in talooyinka iyo waayo-aragnimada laga soo bandhigo madasha loo rogi doono talooyin wax-ku-ool ah oo ka caawin kara dowladda qorshayaasha la xiriira nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimo loo dhan yahay.

Madashu waxay sidoo kale muhiimad gaar ah siisay xoojinta xiriirka u dhexeeya jiilasha kala duwan, bulshada iyo hay’adaha dowladda, iyadoo dadka ka qeybgalaya loo oggolaaday inay si toos ah uga qeyb qaataan doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya.

Ujeeddada guud ee kulanka ayaa ah in la abuuro hannaan ay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dareemaan inay cod ku leeyihiin go’aannada dalka, taas oo dowladda u aragto arrin muhiim u ah xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimada Soomaaliya.